Liisankii ugu horreeyay ee darawalnimada adduunka waxaa la siiyay Karl Benz 1888.
Karl Benz waxa uu ahaa ninkii hindisay gaadhigan casriga ah isaga laftiisu waxa uu dalbaday ogolaansho qoraal ah oo uu gaadhi kaga wado Duke of Baden. Sababta uu u dalbaday ogolaanshaha in uu kaxeeyo baabuur (liisanka darawalnimada) ayaa ah cabashooyin ka yimid dadka deriska ah ee ku saabsan buuqa ama qiiqa uu soo saaray baabuurkiisa.
Wadankii ugu horeeyey ee soo bandhiga imtixaan qasab ah waxa uu ahaa Prussia (Germany) sanadkii 1903dii, imtaxaanka/aragtidana waxa uu u badnaa aqoonta farsamada baabuurta uumiga halkaas oo baabuurtii ugu horaysay ay ku shaqaynayeen uumi, wakhtigaasna ay yaraayeen sharciyada wadooyinka.
1910 kii, waxaa jiray xeerar dhowr ah, sida in aad 18 jir tahay si aad u qaadato shatiga darawalnimada, oo aad soo martay waxbarasho (Aragti iyo Waxbarasho) oo aad ku gudubto imtixaan aragti ah.
Biljamka ayaa ahayd waddankii ugu dambeeyay ee lagu soo bandhigo shatiga wadista si qasab ah 1977.
Ilaa 1977 ee Beljamka, lagama maarmaan ma ahayn in lagu yeesho casharro aragtiyeed iyo casharro wadista, imtixaan aragtiyeedna ma ahayn qasab.
Af Soomaali
Dansk
English
Srpski
Español
Kurdî
اُردُو
Français
Hrvatski
简体中文
العربية
Türkçe
Românește
ትግርኛ
فارسی
Shqipja
Filipino
ไทย
Русский
tiếng Việt
नेपाली
Lietuvių
Polski
Bosanski
Crnogorski
Українською
Magyar nyelv